Daahfurka Barnaamijka Taakuleynta iyo Afurinta ee Bisha Ramadaan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Hormuud Salaam Foundation, waxaa aay maanta daahureysaa Barnaamijkeeda sanadlaha ah, ee sanad kastaa markii la gaaro bisha Barkaysan ee Ramadaan, aay taakuleyn iyo afurin ku gaarsiin jirtey inta nugul ee u baahan in la caawiyo ee ka mid ah bulshadeena.

Barnaamijkaan taakuleynta iyo afurinta oo soo socday mudo dheer, waxaan ugu tala galnay in badan oo dadkeena Soomaaliyeed ka mid ah ee aay ku adagtahay ineey helaan afur inta lagu jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan. Barnaamijka sanadkaan waxaan gaarsiin doonaa dhawr qeybood oo bulshada ka midka ah, sida :

1. Agoonta
2. Naafada
3. Maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee
4. Dadka Araga ka maqan yahay
5. Haweenka Danyarta ah
6. Naafada Ciidamada Xoogga Dalka
7. Dadka ka xanuunsanaya dhimirka
8. Dadka uu hayo xanuunka Juudaanka
9. Qaar ka mid ah dadka danyarta ah
10. In ka mid ah dadyoga kusoo qaxay dalkeena Soomaaliya.
Waxaan rajeeyneeynaa inaan in ka badan 10,000 qoys aan gaarsiino gargaar toos ah.

Dhank kale sidii sanadkii hore sanadkaan waxaa barnaamijka qeyb ka ah 5,000.qofood oo maalin kastaa heli doona $1, inta lagu jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan 30 keeda maalmood, waxaana lacagtaas loo soo codsan doonaa si maalinle ah , iyadoo EVC ahaan loo soo dalban doono, dadkana waxaa aay fariin usoo diri doonaan numberka gaaban ee 144 si lacagtaas u helaan. Lacagtaas waxaa soo dalban kara dadka danyarta ah oo aysan lacag ka badan $20, ugu jirin EVC, waana in qofka soo dalbanaya uu EVC iyo numberka heystay ugu yaraan 3 bilood ee lasoo dhaafay.
Maadaama Xanuunka Covid-19 uu jiro inta badan lacagaha waxaan ku gaarsiin doonaa dadka ECV , ahaan si isu imaatinka loo yareeyo.

Hormuud Salaam Foundation, waxaa aay ugu baaqeeysaa dadka Soomaaliyeed meel kastoo aay joogaan gaar, ahaan intooda wax heli kartaa, ineey caawiyaan inta aan wax heeysanin, maadaama la galayo bishii Sadaqada, bishii Quraanka iyo bishii Cibaadada,.

Hormuud Salaam Foundation, waxaay leedahay dhammaan dadka Muslimiinta gaar, ahaan Soomaalida RAMADAAN MUBAARAK, allaha nagu daro kuwii danbigooda la dhaafo, naartana laga xoreeyo.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM