Deni oo la shiray mas'uuliyiinta ku wehliya safarkiisa Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay xubnaha Wafdigiisa ah ee ku weheliya safarkiisa Muqdisho oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa kala warqaadasho iyo is xogwareysi, waxaana uu Madaxweynuhu warbixin ka siiyey Wafdiga kulamadii uu yeeshay oo dhammaantood ku saleysnaa aragtida Dowladda Puntland ee ah in ay dalka dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wafdiga iyo shaqooyinka dowliga ah ee ay qabteen, sida kulamadii qaar ka mid ah Wafdiga la yeesheen Wakiilada Beesha Caalamka oo looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka Diqmuraadiyadda, dib-u-habeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka Maaliyadda, saameynta dhaqaale ee Covid19, arrimaha horumarineed ee Gobolada Sanaag, Sool iyo Ceyn iyo saameynta Ayuxu u geystay daaqa iyo beeraha.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM