DF oo Baaq Nabadeed kasoo sartey colaadda gobolka Sool

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalk ah ee Soomaaliya ayaa baaq nabadeed kasoo saartey dagaal beeleedka shalay dib uga soo cusboonaadey degaanka Dhumay, oo ku dhaw magaalada Laas-Caanood ee xarunta gobolka Sool.

"Lama aqabli karo in dhiigga muwadiniinta Soomaaliyeed loo daadiyo si micna darro ah. Waxa aan ku baaqayaa in si dhaqso ah loo joojiyo colaadda gobolka Sool," ayuu ku yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dowladda Puntland ayaa shalay sidoo kale baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaalamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, kuwasoo colaadooda dib usoo laabatey kadib markii ay burbureen wadahadallado socday iyo heshiisyo horey u gaareen.

In ka badan 20 qof oo labada dhinac ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dagaalka sokeeye ee Dhumay, kaasi oo kusoo beegmaya xili ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dagaalameen dhowr jeer sanadkan Tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

HOOS KA AKHRI BAAQA DOWLADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM