Diblumaasiyiin wadahadalo la yeeshay mas'uul ka tirsan Villa Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Masar Mudane Maxamed Nasar iyo Safiir Ku xigeenka dowladda Jarmalka Mudane Sascha Andreas Kienzle.

Safiirrada oo ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa u rajeeyey ka mira-dhalinta shaqooyinka Qaran ee horyaalla, iyagoo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaqeynta labo geesoodka ah.

Safiir ku xigeenka dowladda Jarmalka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladdiisu ay ka taageereyso Soomaaliya iyo sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka, dib u kabashada iyo dowladnimada Soomaaliya oo haatan tallaabo weyn loo qaaday.

Sidoo kale, Danjiraha Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Nasir oo dul istaagay sooyaalka wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan ka gacansiinta Soomaaliya arrimaha waxbarashada oo aasaas u ah horumarka iyo dowlad dhiska.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa uga mahadceliyey Danjireyaasha booqashadooda, waxa uuna la wadaagay dadaalladda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM