Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Image
Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

GAROWE, Puntland - Fariin Muhiim ah: Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay sababina kara dab ka dasha deegaanka.

Shacabka sharafta leh,

Waxaan idinla socodsiinaynaa in xilliga roobabka ee sanadkan dib u dhac ku yimid sababo la xiriira isbeddelka cimilada. dib u dhacaan wuxuu keenayaa in dhulka qallalan ay sii kordhaan halista dabka ka kaca duurka iyo dhul daaqsimeedka.

Waxaan si xushmad leh idinka codsaneynaa inaad ka fogaataan tuurista waxyaabaha wax gubi kara ama sameyn kara dab aan loo baahnayn goobaha kaymaha ah iyo dhulka baadiyaha ah.

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

Sababta dib u dhaca roobka waa korodhka heerkulka caalamka iyo isbeddelka qaababka cimilada, taas oo saameyn weyn ku yeelanaysa sida uu roobku u da’o.

Fadlan ka qayb qaata ilaalinta deegaanka oo la wadaaga macluumaadkan bulshada dhexdeeda si loo yareeyo halista dabka iyo burburka deegaanka.

Mahadsanidiin dhamaantiin.

Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Deegaanka , Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland.

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM