Dood ku saabsan doorashooyinka 2020-21 oo lagu qabtay Nairobi

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Dood-wadaag ciwaankeedu ahaa Doorka Dhalinyaradda iyo Haweenku ku yeelan karaan doorashada 2020-21 ee dowlada federalka Soomaaliya oo ka dhacaday magalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Doodan oo ay soo qan-qaabisay Madasha Aaayo-Katalis ee fadhigeedu yahay Nairobi kuna saabsanayd Doorka ay dhalinyaradda iyo Haweenku ku yeelan karaan doorashada soo socota ee dowlada federalka Soomaaliya ayaa ka dhacday Hallka Nomad Paradise Hotel ee magaalada Nairobi waxaaana madasha ku casuumanaa Xil. Sacdiyo Yusuf Xaaji, Cumar Cabduqaadir Axmed (Shariifka) oo ah musharax madaxweyne 2020-21, Asli Axmed Maxamuud (Asli Care) iyo Cabduqadir Axmed Aw-Faarax oo isna ah musharax Xildhiban Aqalka Hoose ah, waxaana dooda sidoo kale kaso qaybgalay dadweyne kuwaas oo iyaguna doorkooda ku lahaa.

Doodan ayaa xooga lagu saarayay doorka dhalinyaradda iyo haweenka ee hananka geedi socodka doorashada soo socota; waxaa qaada dhigayay xubnihii ku casuumanaa dooda iyado ay kaso qayb galayaashuna marka laga yimaado su'aala talooyin ku aadan mawduuca dooda soo jeedinayay.

Doodan ayaa ka mida ahayd dhacdooyin ay Madasha Aayo-Katalis qabatay isla mar ahaantana ay ujeedoyinkoodu ahaayeen Horumarinta dhalinyarada iyo Isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madasha Aaayo-Katalis

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM