Dowlad goboleedyada oo shuruudo ku xiray ka qeyb-galka Shirka Muqdisho

Image

GAROOWE, Soomaaliya - Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta oo Jimco ah soo saarey War-saxaafadeed wadajir ah, oo ay ku shaaciyeen inay ku qaadaceen shirka uu iclaamiyey Farmaajo ee ka furmi lahaa Muqdisho 17-ka bishan.

Qoraalka oo ka kooban 5 qodob, ayaa waxay madaxda dowlad goboleedyada shuruud ku xireen wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee lagu dhameynayo khilaaf siyaasadeedka u dhaxeeya.

Sharuudaha oo badan ayaa waxaa kamid ah in Villa Somalia ay joojiso fareglin ay sheegeen inay ku hayso arrimaha dowlad goboleedyada iyo in la helo daraf saddexaad oo dhex-dhexaad ah, oo damaanad qaada arrimaha lagu heshiiyo.

Hogaami-yaasha dowlad goboleedyada ayaa sidoo kale dalbaday in la isla meel-dhigo meesha uu wahadalka dowladda Federaalka kula galayaan sababo amni awgood, iyo in la damaanad qaado amnigooda, hadii Muqdisho la isku raaco.

HOOS KA AKHRI BAYAANKA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM