Dowlada Puntland oo "il-gaar ah ku hayneysa" Waxbarashada

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo xiray Shirweynaha horumarinta Waxbarashada Puntland oo muddo saddex maalmood ah ka socday Garoowe.

Madaxweynaha ayaa saddexdii maalmood ee Shirku socday si joogta ah uga qeybgalay, wuxuuna goobjoog u ahaa doodihii la xiriiray sidii loo horumarin lahaa  Waxbarashada Puntland  iyo War-murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyay Shirka iyo sida uu u qabsoomay, doodaha iyo aragtiyaha Waxbarashada lagu horumarinayo ee lasoo bandhigay taasi oo lagu soo ururiyay War-murtiyeedka Shirka kasoo baxay, sida in magacii Wasaaradda loo bedelo Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Caruurta iyo soojeedimaha kale ee dhaxalgalka ah.

Wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada sida ay Dowladda Puntland uga go’antahay in ay il-gaar ah ku hayso Waxbarashada, oo ah adeegyada Dowliga ah ee guuleystay oo Puntland ku amaanan tahay. Wuxuu rajeeyay in waxyaabihii Shirka kasoo baxay ay waxbadan ka qeyb qaadan doonaan horumarinta Waxbarashada Puntland.

Shirweynaha horumarinta Waxbarashada Puntland waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada heerarkooda kala duwan, Hay’addaha taageera Waxbarashada Puntland, Lataliyeyaal iyo Khuburo Waxbarasho, Qurbojoogta, Ganacsatada, Waalidka, Ardeyda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM