Dr Cabdinaasir Cabdulle: "Beesha caalamku waxaan talo ahayn kuma laha doorashooyinka"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya 2021 Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo ay Idaacadda VOA Somali wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatay maanta ayaa kaga hadlay kulan ay shalay beesha caalamka la yeesheen Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankaas oo lagu qabtay dhinaca fogaan-aragga ee internetka ayey Musharixiinta la yeesheen xubnaha beesha caalamka ee Soomaaliya taageera, Dr. Abdinasir oo faahfaahin ka bixiyey ayaa sheegay in ay kala hadleen sidii ay dalka uga suurtageli lahayd doorasho nabad ah la isla ogolyahay oo ku dhacda si degdeg ah.

Dr. Abdinasir ayaa caddeeyey in dowladda dhankeeda uu ka jiro cagajiid in doorasho la qabto waqtigana uu ka dhammaaday wuxuuna soo jeediyey in doorashada si degdeg ah lagu qabto, wuxuuna intaasi ku daray in beesha caalamku ay talo keliya leeyihiin balse doorashooyinka iyo mustaqbalka dalka wuxuu u yaallaa Soomaali oo keliya muxaafid iyo mucaaridba.

“ Beesha caalamku waxaan ka ahayn talo, wax toosin iyo taageero oo ay ku leeyihiin doorashooyinka majirto, annaguna haddaan Soomaali nahay diyaar uma nihin in beesha caalamku marwalba gacmaha na qabtaan oo na daadihiyaan” ayuu yiri isagoo u warramaya Idaacadda VOA Somali ee fadhigeedu yahay Washington.

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir ayaa adkeeyey in Midowga Musharaxiinta ay taageersanyihiin heshiiskii 17-September-2020 in la fuliyo iyadoo ay ka wada qeybgalayaan dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka si looga gudbi ismarinwaaga iyo khilaafka siyaasadeed, dalkana loogu jiheeyo doorasho lagu wada qanacsanyahay natiijadeedana la wada aqbalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM