Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Geelle iyo wafdigiisa

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti, kuwaas oo loogu talo galay soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saaka wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya.

Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS.

Wafdiga reer Jabuuti ee la socda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muumin Xasan Barre, Wasiirka Arrimaha Bulshada Marwo Muna Cismaan Aadan, Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xasan Saciid Khayre, Maareeyaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Najiib Cali Daahir, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan, Kuxigeenka Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Jabuuti Marwo Xasna Xummad Bilil iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Jabuuti.

- DHAMAAD -

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM