Farmaajo oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Marxuum Qanyare

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada.

Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Janaasada Marxuum Qanyare waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Dhanka kale, Salaada kadib mid kamid ah qubuuraha ku yaala magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ayaa marxuumka lagu aasey.

Kumuu ahaa Qanyare?

Qanyare oo kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, sidoo kalena soo noqday Wasiir Amni iyo Xildhibaan dowladihii KMG ahaa ayaa Sabtidii ku dhintay Muqdisho.

Qanyare, oo 77 jir ahaa ayaa saaka ku dhintay Isbitaalka Digfeer, halkaasi oo mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa, sida ay xaqiijyeen qaar kamida ehelediisa, oo la hadlay warbahainta maxaliga.

Maxamed Qanyare ayaa Wasiir ka noqday Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi, ee la dhisay 2004, waxaana uu hore u ahaa hogaamiye kooxeed awood badan oo ka talin jiray qeybo kamid ah Muqdisho, isagoo mar lasoo shaqeeyay Jeneraal Caydiid.

Mudo dheer ayuu Muqdisho ku xanuunsanaa, waxaana uu ka fariistay Siyaasadda dowladdii Xasan Sheekh, isagoo Kusriga Xildhibaanimo ku wareejiyay Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo C/weli Qanyare Afrax.

Madax hore iyo Xildhibaano ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Maxamed Qanyare Afrax, waxaana lagu wadaa in Meydkiisa lagu aaso saacadaha soo aadan gudaha magaaladda Muqdisho.

Qanyare ayaa ku dhashay degmada Ceelbuur, ee gobolka Galgaduud sanadkii 1941.

Villa Somalia + GO

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM