Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Maxamed Cabdi Xaashi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyey ee hoggaamiya dowlad-goboleedkaasi.

"Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Bulshada Puntland, gaar ahaan qoyskiisa oo uu u horeeyo wiilkiisa mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuumku.

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM