Farmaajo oo la kulmay Caruurtii uu ka geeriyooday Wariye Cawil Daahir Salaad [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa waxaa ku booqday qaar ka mid ah carruurtii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariisteen Wariye Cawil Daahir Salaad oo 22-kii bishan ku geeriyooday Qaraxa ay dhaqar qabayaasha Al-Shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

“Waxaa maanta isoo booqday qaar ka mid ah caruurtii uu ka geeriyooday walaalkeen Cawil Daahir Salaad oo ahaa nin waddani ah, dalkiisa iyo dadkiisa jecel, hal abuur leh, dowlad-dhisidda Soomaaliyana kaalin muuqata ka geystay,” ayuu ku yiri madaxweyne Farmaajo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Sidoo kale,Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay iney muhiim tahay in la maamuuso dadka waxtarka u leh Bulshada sida Cawil oo kale lana sii xoojiyo aragtidii wanaagsaneyd ay xambaarsanaayeen.

“Dadka waxtarka u leh bulshada sida Cawil oo kale waxay naga mudanyihiin in la maamuuso oo aragtiyadii wanaagsanaa ee ay xambaarsanaayeena lasii xoojiyo, argagixisada dilaysa haldoorka ummadda Soomaaliyeed waa inaan u midownaa oo aan meel uga soo wada jeesannaa,” ayuu ku yiri madaxweyne Farmaajo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM