Farmaajo oo Villa Somalia ku qaabiley Wafdiga Eritrea [Sawirro]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ereteriya Mudane Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Socdaalkan wafdiga Ereteriya ku soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa daba socda safarkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ay ku tageen magaalada Asmara dabayaaqadii bishii hore, halkaas oo ay labada Madaxweyne ku kala saxiixdeen heshiis lagu dardargelinayo iskaashiga labada dal.

Qodobbadii ay labada Madaxweyne ku heshiiyeen waxaa kamid ahaa in labada dal ay si rasmi ah u yeeshaan xiriir dibloomaasiyadeed oo asaaskiisu yahay in la isweydaarsado safaarado iyo dibloomaasiyiin iyo in laga shaqeeyo, lana dhammaystiro hirgelinta qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wafdiga socdaalka ay ku yimaaddeen Muqdisho, waxa uuna xusay mudnaanta uu iskaashigu u leeyahay horumarka Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in dalalka Geeska Afrika aanay sinnaba u kala maarmi karin maadaama oo ay dano badan isaga xiran yihiin, wuxuuna ballanqaaday in dawladdiisu ay ka shaqaynayso sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa dalalka Geeska Afrika.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ka go’an soo celinta maqaamkii ay Soomaaliya ku lahayd Geeska Afrika, waxayna diyaar u tahay inay door weyn ka qaadato iskaashiga dhinacyada isdhexgelka dhaqaale, bulsho, iyo amni oo dhexmara dalalka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM