Farmaajo oo xukuumada dul-dhigay amar la xiriira dhimashada Galeydh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha oo khadka Taleefanka kula xiriiray Marwada Marxuumka Maryan Cabdi Biixi ayaa xusay doorkii uu ka geystay dowladnimada iyo horumarka dalka, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya horumarsan oo la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu door muuqda kaga jiraa sooyaalka dalkeenna. Waxa uu noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la magacaabo Guddi Qaran oo ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM