France oo Safiirka cusub usoo dirtay Soomaaliya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee France ee Soomaaliya Marwo Aline Kuster-Menager.

Isaga oo ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay, Wasiir Axmed Cawad waxa uu rajo ka muujiyay in Danjirad Aline horumarin doonto xiriirka Soomaaliya iyo France.

Safiiradda France Aline Kuster-Menager waxa ay ka mahadcelisay habka uu u soo dhoweeyay iyo yididiillada uu u muujiyay, waxa ayna carabka ku adkeysay in dadaal ballaaran ku bixin doonto sidii ay sare ugu qaadi lahayd xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo France u dhexeeya oo ay gaarsiiso heer aad u sarreeya.

Intii kulanka qaabilaada uu socday waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda France sidii lagu horumarin lahaa wax u adeegaya dana wadaagga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

- DHAMAAD - 

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM