Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyey miisaaniyadda 2020 oo la kordhiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Golaha wasiirrada oo maanta si aqlabiyad leh loogu ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda sanadka 2020 oo la kordhiyay.

Guud ahaan kharashka miisaaniyadda ayaa dhan $646.9 milyan oo ka kooban kharashaad mashaariic iyo kharashaad howl fulineed, waxayna kala yihiin; Kharashaadka mashaariicda oo korordhay $40.9 milyan, halka Kharashaadka howl fulinta dowladda ay ku korortay $129.9 million.

Kororkan kharashaadka ayaa loo adeegsanayaa la taacaaliidaa safmarka Covid19, Doorashooyinka, daadadka iyo xaaladaha bini'aadamnimo ee dalka la soo dersay.

Dakhliga guud ee dowladda ayaa hoos u dhacay sababo la xiriira xaaladaha COVID19 iyada oo la qiyaasay in ku dhowaad $67 Milyan oo la odorosayay inay dakhilaga gudaha ka soo xerooto ay meesha ka baxayso, balse maadaama dalka deynta laga cafiyay waxa uu helayaa kaalmo toos ah, taas oo buuxineysa hoos u dhaca dakhliga gudaha.

Kabka miisaaniyaddan oo ah dhamaan dalka oo idil ayaa laga helayaa Bankiga Adduunka. taas oo ka dhalatay go’aankii deyn cafinta (Decision Point) Soomaaliya oo ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya aad ugu baahnayad.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM