Gollaha Dhaqaalaha Qaranka oo Warbixin siiyay Xukuumadda Khayre

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO , Soomaaliya – Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddominayay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre ayey Golaha Dhaqaalahu ku soo bandhigeen cilmi baaris ay ka sameeyeen istaraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda, iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay la yeelato wadamada Bariga Afrika iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Golaha dhaqaalaha qaranaka oo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo cadaymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daah-furay August 11, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM