Guddi loo saarey diyaarinta xuska asbuuca xorriyadda

Image

HARGEYSA, Somaliland - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda ayaa faray diyaarinta munaasabado muujinaya qiimaha shacabka Soomaaliyeed ay u hayaanmaalmaha xurriyadda iyo midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay la joogo xiliigii dadka Soomaaliyeed ay soo nooleyn lahaayeen miro-dhalkii gobanimada, dowladnimada iyo midnimada, soona celin lahaayeen maqaaamkii iyo magacigii ay ku lahaayeen gobolka iyo qaaradda.

Xubnaha Guddiga ee ku magacaaban wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, halka uu Guddoomiuye Kuxigeenka uu ka yahay Wasiirka Amniga XFS Mudane Xasan Xundubeey Jimcaale.

Xubnaha kale ee Guddiga ayaa kala ah;

1- Mudane Durraan Axmd Faarax Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada

2- Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga

3- Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda

4- Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Wasiir Gargaarka & M. Masiibooyinka

5- Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada & Arr. Bulshada

6- Marwo Shugri Maxamuud Afrax Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha

7- Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aha Duqa Muqdisho

8- Mudane Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirrada Xoghayaha Fulinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM