Guddoomiyihii Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed oo dhintey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Xasan Shure Maxamuud uu kaalin muhiim ah ku lahaa hoggaanka bulashada Soomaaliyeed gaar ahaan adkeynta dowladnimada, nabadda iyo dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, marxuumka ayaa dadka iyo dalka u soo shaqeeyey xilliyadii adkaa.

“Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud, waxa uu ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo qeyb ka ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay nabadda iyo dib u heshiisiinta shacabka deegaannada koonfur Galbeed, Marxuumka ayaa muddo dheer u soo adeegayey bulshada gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku uu soo maray”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Madaxtooyada Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM