Guddoomiyihii Hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo dhintey

Image
Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska qaraabada, iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Marxuum Maxamuud Maxamed Nuur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Maxamuud Maxamed Nuur uu u soo adeegay qaranka Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo heer qaran, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiyahii Bankiga Horumarinta Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhaxe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM