Hay'ada Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gaarsiisay Isbitaalka Dhimirka Xabeeb

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Hay'ada Hormuud Salaam Foundation ayaa gaarsiisay Deeq kala duwan oo ka kooban raashiin isugu jira Bur, Bariis, Sonkor, Saliid iyo Timir Isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb oo ku yaalla Muqdisho.

Munaasabad kooban oo lagu gudoonsiinayay deeqda maamulka isbitaalka ayaa lagu qabtay xarunta isbitaalka dhimirka ee Xabeeb.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiyaha hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan kaasi oo faafaahin kabixiyay deeqda ay gaarsiiyeen isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb isagoo tilmaamay deeqdan ay qeyb katahay barnaamijka taakuleynta iyo afurinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba.

Cabdiraxmaan Cali Cawaale Dr Xabeeb madaxa isbitaalka oo deeqda gudoomay ayaa uga mahad celiyay hay’ada Hormuud Salaam Foundation caawinaada ay soo gaarsiiyeen, isagoo tilmaamay in mar waliba sidan oo kale ay caawin uga helaan marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee xafiiska raysal wasaaraha Maryan Aadan Amiin oo iyana goobta kahadashay ayaa timaamtay in deeqda hay'ada Samafal ee Hormuud Salaam Foundation ay muhiimad gaar ah u leedahay dhibanayaasha isugu jira raga iyo dumarka ku xareesan isbitaalka dhimirka ee Dr xabeeb.

Maamulaha Hormuud KM4 Cabdi Cali oo gabagabdii munaasabda deeq wareejinta kahadlay ayaa tibaaxay in Dr xabeeb uu buuxiyay kaalin mug leh oo loo baahnaa.

Markii ay soo idlaatay wareejinta deeqda ayaa gudoomiyaha hay'ada Hormuud Salaam Foundation iyo agaasimaha waxda arimaha bulshada ee xafiiska raysal wasaaraha waxa ay xariga kajareen dhismaha qeyb cusub oo ay dhistay hay'ada hormuud salaam foundation oo uu horay ucodsaday maamulaha xarunta dhimirka Dr xabeeb taasoo ka saacidi doonta ciriirigii badnaa ee bukaanada ku qabeen.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM