Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Barakacayaal

Image
Image
Image
Image
Image

Hay’ adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Maanta Deeq gaarsiisay Dadka kasoo Barakacay Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo deeqda ku wareejisay Markazu Raxma si ay ugu qeybiyaan barakacayaasha.

Deeqdan ayaa waxay qeyb ka tahay barnaamijka afurinta dadka dantayarta ah iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba, waxaana raashiinka hay’adu gaarsiisay xarunta Al-raxma uu isugu jiray Bur, Bariis, Sonkor, Saliid iyo Timir loogu talagalay qoysaska dantayarta ah.

Gudoomiye ku xigeenka Hay'adda Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi "Kobac" ayaa sharraxaad ka bixiyay Deeqdan ay dadka barakayaasha ah gaarsiiyeen iyo waxa ay ka kooban tahay.

Wuxuu xusay in ay hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay sii wadi doonto caawinta dadka masaakiinta ah Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhanka kale Axmed Sheekh Mustafa oo kamid ah Maamulka Markazu Raxma ayaa Hay’adda Hornuud Salaam Foundation uga mahadceliyay Deeqdan ay soo gaarsiiyeen si loogu qeybiyo dadka barakacayaasha ah ee ku sugan degmada Dharkeenley, gaar ahaan Siliga Ameerikaanka.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM