HSF oo bixisey kharashka guur wadareed loo sameeyay dhalinyaro baahiyaha gaarka qaba

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Munaasabad aay Hormuud Salaam Foundtion lacag dhan $25,000 (Shan iyo labaatan kun dollar ) ku gudoonsiinaysay masuuliyiinta Mua’sasada Guryasamo ayaa galabta lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana kasoo qeyb galay munaasabaas marti Sharaf isugu jirta Culumaa’udiin , Madaxda Hormuud Salaam Foudation iyo Madaxda iyo masuuliyiinta Mua’sasada Guryasamo oo ka shaqeeysa caawinta dhalinyarada baahiyaha gaarka qaba iyo horumarinta arimaha qoyska.

Dr Idil Maxamed Cabdiraxmaan oo ah madaxa sanduuqa kaalmada guurka xarunta hormarinta qooyska Guryasamo ayaa kaga mahad celisay Hormuud Salaam Foundation taageerada iyo bixinta kharashka guur wadareedka sanadlaha ah oo xaruntu qabato, waxaana aay sheegtey in kaalmadaan aay wax weyn ugu fadhiso dhalinyaradaan loo sameyn doono guurka, iyadoo Muasasada Guryasamo aay sanadkii hore u sameeysey guur wadareed ilaa iyo shan qoys, kuwaasoo qaarkood aay hada caruur u dhalatay.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Abdullahi Nur Osman ayaa sheegey in HSF oo mar walba caawiso dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ayna kasoo jawaabeen codsi uga yimid Guryasamo oo ay uga codsatay in aan bixino kharashka ku dhisitaanka 5 Qoys oo ah kuwa baahiyaha gaarka qaba iyadoo qoyskiiba aay ku baxeeyso $5,000 (shan kun dollar), lacagtaasoo qeybna arooska looga bixin doono qeybta kalena shaqo abuur loogu sameyn doono asagoo sheegey in dhalinyaradaan la isku guurinayo ay kasoo qalin jabiyeen Iskuulka Indhoolayaasha ee Al Nuur ee ay khrashkiisa bixiso Hormuud Salaam Foundation, ayna aad iyo aad ugu faraxsan yihiin in ardeydii iyo dhalinyaradii aay soo barbaariyeen ay maanta guursanayaan Gudoomiye Abdullahi ayaa sheegey in dhalinyarada hada guurka loo sameyn doono uu ku jiro will isagoo 7 sano jir, Agoon ah, laga soo qaaday xeryaha barakacayaasha kaasoo ku barbaaray waxna ku bartay Iskuulka Al-Nur, taasoo ka mid ah guulaha la taaban karo ee uu gaarey Iskuulka.

Dhank kale maamulaha iskuulka indhoolayaasha Al-Nur oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in Hormuud Salaam Foundation ay kaga mahad celinyaaan kaalinta had iyo jeer ay ka qaadato ee ah caawinta dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Maamule Abdifatah, ayaa sheegey in Iskuulkaan oo ah iskuulka ugu weyn ee ka jira dalka Soomaaliya ee ay wax ka bartaan dadka araga ka maqan yahay ay kafaalo qaaday Hormuud Salaam Foundation, laga soo bilaabo sanadkii 2012, markaas ayaana iskuulka ugu horeeysey horumar iyo wanaag badan oo uu helo, waana taa oo maanta ardeydii kasoo baxday ay guursanayaan, qaar ka mid ahna ay dhiganayaan Jaamacadaha.

Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aaden oo isna ka hadlay munaasabada ayaa aad ugu dheeraadey wanaaga iyo fadliga aay leedahay in la caawiyo dadka leh baahiyaha gaarka ah, wuxuuna ku amaanay Hormuud Salaam Foundation, sida aay mar walbaa u garab taagan tahay inta u baahan in la caawiyo ee bulshadeena, wuxuuna allah uga baryey in Shirkadda Hormuud Telecom iyo bah wadaagteeda ilaaheey xoolahooda u barakeeyo. Wuxuuna ua rajeeyey dhalinayarada guurka loo sameeynayo in ilaaheey guurkooda u barakeeyo.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM