HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta Xarunta Dr. Xabeeb gaarsiisay deeq raashin ah oo isugu jirta Bur, Baris, Saliid iyo Sonkor oo loogu talagalay in ay ka faa’ideystaan dadka lagu hayo xarunta Dr. Xabeeb.

Deeqdaan raashinka ee ay Hay’adda Hay'adda Hormuud Salaam Foundation gaarsiisay xarunta dhaqan celinta ee Dr. Xabeeb waxaa ka faaideystay 290  buukaan oo xarunta ku jiro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi, oo ka mid ah masuuliyiinta Hormuud Telecom, Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Hormuud Salaam Foundation Raxma Hussen xirsi iyo masuuliyiintii kale ayaa waxaa xarunta Dr. Xabeeb ku soo dhaweeyay aas-aasaha ahna dhaqtarka la tacaalaya dadka dhimirka la’ Dr. Abdirahman Ali Awale (Dr. Xabeeb).

Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi oo ku hadlaayay afka hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa ugu horeyn ka warbixinaayo deeqdan rashinka ee ay soo gaarsiiyeen xarunta Dr. Xabeeb.

Dhankiisa Dr. Abdirahman Ali Awale (Dr. Xabeeb) ayaa Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ugu mahadnaqay gar-gaarka ay soo gaarsiisay.

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM