HSF oo deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe Iyo Isbitaal Martini

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa kaalmo bani aadanimo gaarsiisay xabsiga dhexe ee muqdisho iyo isbitaalka martiine qeybta ay daganyihiin Curyaamiinta kusoo naafoowday Dagaalkii 77 Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah mashruuca taakuleynta iyo afurinta dadka tabaaleysan iyo kuwa baahiya gaarka qaba oo hay’adu ay ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato farxadooda inta lagu jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waxaana kamid ah deeqda la gaarsiiyay xabisga dhexe.

5-Neef oo geela,
raashiin kakooban
100 Loor oo Bariis ah
100 Loor oo Sonkor ah
100 Loor oo Bur ah
500 Kartoon Timir ah
1000 Liter oo saliida
5 kartoon oo cabitaan ah
5 Kartoon Caleen shaah ah, iyo dharkii ay ku ciidi lahaayeen.

Gudoomiyaha Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nur Cusmaan oo faafahin kabixinayay Deeqdan ayaa sheegay in ay qeyb katahay deeqo kala duwan oo ay ugu tala galeen dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba waxaana uu hoosta kaxariiqay in deeqda maanta ay bixinayaan ay ugu talagaleen maxaabiista kujirta xabsiga dhexe.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Iyo taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa kaga mahad celiyay Hay’ada Hormuud Salaam Foundation kaalinta ay ka qaadaneyso taakuleynta iyo afurinta maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee xafiiska Ra'iisul wasaaraha Maryan Aadan Amiin oo labada munaasabadood goobjoog ka ahaa ayaa kaga mahad celiyay Hormuud Salaam Foundation Kaalinta lama ilaabaanka ah oo ay ka qaadanayso Taakuleenta dadka jilicsan.

Dhinaca kale Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa Deeq lacageed oo gaareysa $5,000 iyo Timir waxa ay gudoonsiisay ciidamada naafada ee dagan qeyb kamid ah isbitaalka martini kuwaasi oo ladaalaa dhacaya xaalada kaladuwan oo dhinaca nolosha ah.

Gudoomiyaha Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo kahadlay Munasabdii wareejinta deeqda ayaa faafahin kabixiyay kaalmada ay gaarsiiyeen ciidamada naafada xooga ee martini isagoo tilmaamay in kaalmadooda aysan ku ekaan doonin intaasi.

Qaar kamid ah Curyaamiinta kunool Martiini ayaa kamahad celiyay deeqda ay soo gaarsiisay Hay’ada Samafalka Hormuud Salaam Foundation iyagoo tilmaamay in ay kusoo aaday xiligii ay ubaahnaayeen.

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa sanad waliba marlka lagaaro Bisha barakeysan ee Ramadaan waxa ay fulisaa Mashaariic isugu jirta taakuleen iyo afurin ay ugu tala gashay dadka Danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba waxaana Hay’adan sidoo kale ay ka qeyb qaadataa ugurmashada dadka saameenta ay kuyeeshaan Abaaraha iyo Daadadka, iyo sidoo kale xanuunada faafa.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM