HSF oo deeq raashiin ah gaarsiisay Isbitalka Laansareeti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Isbitalkan ayaa waxaa ku jira dad iyagu dhimirka la’ waxaana hayada samafal ee hormuud oo dardar galinaysa mashruuca taakuleynta iyo afurinta dadka masaakiinta ah waxa isbitalka ay gaarsiisay raashiin isugu jira bur bariis sokor saliid iyo timir.

Gudoomoye kuxiggeenka hormuud salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo ugu horeyn kahadlay munaasabada wareejinta deeqda ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb katahay wax uqabshada dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba ee hay’ada Hormuud Salaam Foundation ay fulineyso bisha barakeysan ee ramadaan.

Agaasimaha isbitalka Lansareeti Drs Faadumo Cabdi Mocow ayaa kaga mahad celisay hay’ada Hormuud Salaam Foundation gargaarka ay soo gaarsiisay iyadoo sheegtay inaysan eheen markii ugu horeysay ee mar walba oo la gaaro bisha ramadaan ay il gaar ah ku fiiriso dadka danta yar.

Sidoo kale hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq isugu jirta lacag iyo timir waxa ay gaarsiisay ilaa laba boqol oo habeen danyar ah.

Munaasabada deeqdan lagu gudoonsiinayay haweenka ayaa ugu horeen waxaa kahadashay Raaxo Xuseen Xirsi oo kasocotay hay’ada Hormuud Salaam Foundation taasi oo sheegtay in deeqdan ay ugu tala galeen in haweenka danta yar ay unoqoto kaalmo inta lagu jiro bisha ramadaan.

Gudoomiyaha ururka haweenka qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa kaga mahdcelisay hay’ada Hormuud Salaam Foundation sida mar waliba ay ugarab taagantahay haweenka danta yare e aan waxba heysan.

Hay’ada hormuud Salaam Foundation ayaa dardar galinaysa caawinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba iyadoo hay’adu marka lagaaro bisha barakeysanee Ramadan ay fuliso mashaariicda noocan oo kala ah, iyadoo hay’ada geesta kale ay wado barnaamij ay ku afurinayso dadka danta yar iyaga.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM