Jawaari oo eedeyn culus u jeediyay Farmaajo [War Saxaafadeed]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa soo saarey War saxaafadeed cusub, kaasi oo kaga hadlay Khilaafka taagan, isagoo eedeyna u jeediyay Madaxweyne Farmaajo.

Jawaari ayaa sheegay in Farmaajo uu gabay xilkii ka raasnaa ilaalinta mabaa’diida aasaasiga ee Dastuurka, sidoo kalena kalena uu ilaalin waayay kala madaxbanaanida Awoodaha Hay'adaha Sharci-dajinta, Fulinta iyo Garsoorka.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu si buuxda uga warqabo, islamarkaana uu xog-ogaal u yahay qorshaha Xukuumadda ay ku doonayso inay kula wareegto laanta sharci-dejinta iyo in awoodda dalka ay gacanteeda ku aruurto.

Jawaari ayaa intaasi ku daray in Xukuumadda ay ku amartay Taliye-yaasha Booliska, Nabad Sugida iyo AMISOM inay ka amar-qaataan gudoomiye ku xigeenka Gollaha Shacabka Cabdiweli Muudey, oo majaraha u haya Mooshinka isaga lagu ridayo.

Xiisadda Siyaasadeed ee Gollaha Shacabka ayaa cirka isku shareertay, iyadoo maalinta berri ah lagu wado in fadhiga Baarlamaanka lagu qabto labo kulan oo iska soo horjeeda, oo mid looga doodayo Mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

Xildhibaanada diidan Mooshinka, ee la safan Jawaari ayaa iyaguna dhankooda qorsheynaya in ajandaha Kulanka Berri ee Gollaha Shacabka looga doodo derbiga Kenya ka dhisayso Balad-Xaawo.

Dhanka kale, Cabdiweli Muudey ayaa qoraal uu soo saarey maanta ku sheegay in Jawaari uusan ku hadli karin magaca Gollaha Shacabka inta Mooshinkiisa uu Gollaha go'aan ka gaaro. Halkan ka Akhri.

Hoos ka akhriso War Saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM