JL oo adkeynaysa amniga garoomada diyaaradaha kadib iska hor-imaad

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa golaha faah faahin dheeraad ah ka siiyay shirkii Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka ee Garowe iyo guud ahaan xaalada Siyaasada dalka.

Golaha Wasiiradu waxaa kale oo ay dood dheer ka yeesheen xaaladaha amniga iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo go'aamo la xiriira sugida amniga laga soo saaray gaar ahaan in aan hub lala gali karin garoonka diyaaradaha lagalana soo dagi karin iyadoo golahu uu hay'adaha amaanka ku amray in la adkeeyo amniga garoomada diyaaradaha.

Go'aankaan ayaa kusoo aadaya xili ay todobaadkii hore uu garoonka diyaaradaha Kismaayo uu isku hor-imaad ku dhexmara ilaalada murashax iyo kuwa madaarka caalami ah.

Intaasi waxaa wehlisa in talaabadaan ay imaaneyso xili doorasho kusoo food leedahay maamulkaan, taasi oo loo balansan yahay bisha soo aadan ee Agoosto.

Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay sharciga Doorashooyinka qaranka iyo heshiiskii qaybsiga khayraadka oo wax ka badal lagu sameeyay kadib shirkii Baydhabo iyo dib u eegista Dastuurka.

Dhinaca kale Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa faah faahin ka bixisay safar shaqo oo Wasiirka wasaaradu uu ku maqnaa iyo waxyaabahii ka qabsoomay.

Wasaarada Waxbarashada ayaa faah faahin ka bixisay dib u dhaca ku yimid imtaxaanka qaran iyo sidii looga shaqayn lahaa in uuna hakan mar kale iyadoo dhawaan gudi arintan ka shaqeeya loo saarayo.

Jubbaland State House + GO

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM