Jubaland oo baaq kasoo saartey dagaalka Al-Shabaab

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa gabagabadii shirweynaha Heritage ee Garowe ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay dhinacyo kala duwan.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Maxadka heritage in shirweynahan ay usoo rareen dalka iyadoo markii hore lagu qaban jiray dibada taas oo wax badan kusoo kordhinaysa Saxaada Siyaasada dalka iyo is dhaafsiga afkaaraha.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu u mahad celiyay Dowlada iyo Shacabka Puntland sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen oo ay u marti sooreen dhamaan Madaxda iyo martida shirkan aragti wadaaga ah ka qeyb galayay.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay Xaalada amaanka dalka iyo marxalada kala guurka ah wuxuuna ugu baaqay dhamaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan sidii loo dhamayn lahaa kala aragti duwanaanshah jira isla markana la isugu iman lahaa shir lagaga tashanayo aayaha dalka.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Xaalada amaanka dalka ay muhiim u yihiin Doorashooyinka oo si Nabad ah ku dhaca taasna lagu gaari karo wada hadal iyo sidoo kale in loo midoobo sidii tabashooyinka jira loo xalin lahaa.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Argagixisadu ay ka faa’iidaysanayaan Xaalada uu dalku ku jiro iyagoo beegsanaya dadka Shacabka ah wuxuuna ku baaqay in dagaalka lagula jiro uu u baahan yahay in lasii xoojiyo.

Madaxtooyadda Jubbaland

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM