Karaash oo ka qeybgalaya xuska Maalinta Xornimada Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibano iyo masuuliyiin kale ayaa u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo ay kaga qayb gelayaan maalinta Xornimada Wadankaasi uu ka qaatay gumaystihii Faransiiska ee 27, Juun, 1977.

Karaash oo faahfaahiyey muhiimadda isaga iyo weftigiisa ayaa xusay in dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay ka heleen casumaad rasmi ah oo ku aadan ka qayb galka xuska maalindooda xuriyadda.

"Waxaan Casumaad ka helnay dowladda aan walaalaha nahay, waliba jaarka nahay ee Jabuuti, waxaan ka qayb gelaynaa maalinta ay Xornimada ka qaateen gumaystihii faransiiska oo ku beegan beri 27, Juun, 2019," ayuu saxaafada u sheegay kahor inta uusan duulin.

Karaash ayaa intaasi ku daray: "Waana ku faraxsanahay inaan kala qayb galno farxadda iyo dabaal deggooda, runtii ma gudi karno abaalkooda, walaalnimo ee ay noogaleen maalintaan garabka u baahnayn, anaga kaan u galnay waxaa nagalaweyn kay iyagu noogaleen".

Safarka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ugu ambaboxo dalka dibaddiisa tan iyo intii la doortay 08 Janaayo 2019.

Wafdiga Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Jabuuti waxa ay kulamo kala duwan la qaadan-doonaan madaxda dalkaasi oo ay kawada arrin-san doonan xoojinta xiriirka labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM