Karaash oo sharaxay ujeedka socdaal uu ku tegay Qardho

Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacabka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa shacabka iyo masuuliyiinta gobolka Karkaar uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo weftigiisa, waxa uu xusay in hidde iyo dhaqan ay shacabka reer Qardhood u leeyihiin qaabiladda habmaamuuskeedu sareeyo ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa tilmaamay in saldhiggiisu yahay is xogwaraysi, korjoogtayn iyo in dowladda dhexe qiimayso xaaladda dalka, sida shaqooyinku u socdaan iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xusay in Qardho uu kasoo shaqeeyey xiiliyo kala duwan, waxaana uu hoosta ka xariiqay in haddana uu diyaar u yahay ka shaqaynta horumarkeeda iyo dhismaha dowladnimadeeda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

<iframe width="560" height="315" src="https://www.youtube.com/embed/Ot4t2hHCaQE" frameborder="0" allow="accelerometer; autoplay; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture" allowfullscreen></iframe>

Puntland State House

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM