Khadar: Naftaada qatar u geli wax aan micno laheyn

Image

STOCKHOLM, Sweden – Khadar waxaa uu kusoo barbaaray magaalo yar oo ku taalla Soomaaliya. Waxaa uu xiiseyn jiray fashiyoonka, waxaana uu ku hamiyi jiray inuu aado dibedda si uu uga dhabeeyo hamigiisa. Qaar ka mid ah asxaabtiisa oo aaday Yurub ayaa baraha bulshada soo dhigayay sheekooyin fiican oo ku saabsan noloshooda Yurub.

Khadar wuxuu go’aansaday inuu isku dayo inuu u safro Yurub. Wuxuu la xiriiray mukhalas kaddib wuu safray, waxaana uu maray Itoobiya ilaa Suudaan, halkaas oo isaga iyo dadkii la socday lagu xiray xerada mukhalasiinta. Waxay halkaasi joogeen muddo bil ah, waxaana ku heysatay xaalado aad u xun.

"Waxaan ku nooleyn xaalado aad u qalafsan, xitaa xayawaanku taas uma adkeysan karin. Waxaa jirtay cunto la’aan, biyo la’aan iyo hoy la’aan. Annaga oo 50 qofood ah ayaan seexan jirnay qof ciriir ah. Qaar annaga naga mid ah waxaa ay u dhinteen hawo la’aan.”

Waxaa la geeyay xero kale oo ku taalla dalka Libiya. Halkaasi ayaa lagu hayay waxaana la siin jiray cunno iyo biyo yar, mararka qaarkood waxaa ay cabi jireen kaadidooda. Biyo lagu qasay petrol ayaa la siin jiray. Shan ka mid ah saaxiibbadii Khadar ayaa ku dhintay meeshaas. Maalin maalmaha ka mid ah koox burcad ah ayaa soo weeraray xerada Khadar iyo dad yar ayaa ka baxday weerarka.

"Si lama filaan ah, goor habeenimo ah, ayaa dad aan lagaranayn ay rasaas nagu fureen. Waxaan xasuustaa qof walba inuu cararay si uu u badbaado. Waxaan la joogay qaar yar oo dad ah oo gaari helay. Waxaan filayaa in dadka kale badankood ay dhinteen. Ma doonayo inaan xasuusto daqiiqadahaas murugada leh.”

Intaasi kaddib Khadar waxaa uu aaday dalka Masar isaga oo maray Sudan. Wuxuu isku dayay inuu raaco markab ay mukhalasiinta ku geynayaan Yurub balse kuma uusan guuleysan inuu raaco markabka. Markabkaas markii dambe wuu quusay waxaana ku dhintay 300 oo qofood. Khadar maanta wuxuu rabaa inuu sheekadiisa uga sheekeeyo dhallinyarada Soomaaliya ugana digo qatarta safarka aan caadiga aheyn. Wuxuu ka xanaaqsan yahay kuwa qurbaha ku nool gaar ahaan Yurub ee sheegaya in safarka uu fuduyahay, si dhallinyarada u tahriibaan.

"In aad baraha bulshada ku faafiso sawirro fiican ma wanaagsana. Taa baddalkeeda waa inaad ka wacyi gelisaa dhalinyarada. Way xun tahay in lagu dhiirrigeliyo inay safraan. Waxaa baahi weyn loo qabaa in olole wacyigelin ah laga sameeyo baraha bulshada, sidoo kale ay sameeyaan ururada bulshada iyo xitaa dowladaha, si looga hortago tahriibka iyo mukhalasiinta".

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM