Khayre oo daah-furey xarunta Al-Shabaab ka fulisay weerar dad badan ku dhintay [Sawirro]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa oo ay wehliyeen wasiirro, taliyaha ciidanka booliiska iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed (Otto Otto) oo dib loo dhisay.

Xarunta oo waayihii dambe ay ku shaqaynayeen wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga, ayaa dib loogu wareejiyay ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay u hawl gelinayaan adeegga gurmadka deg-degga ah .

Xarunta Otto Otto ayaa dib loo dayac-tiray kadib markii kooxda argagaxisada Al-Shabaab ka fuliyeen weerar bahalnimaha ah July 08, 2018, kaasoo lagu dilay shaqaale katirsanaa dowladda iyo askar badan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale maanta dhagax dhigay dib-u-dhiska xerada Sheelare ee ciidanka daraawiisha booliiska Soomaaliyeed oo ah ciidan ka hor taga rabshadaha, kana ka howl gala xudduudaha dalka iyaga oo la fal galaya ciidanka xoogga dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda sannad guurada 75-aad ee aasaaska Booliiska Soomaaliiyed aawadeed, waxa uu gudaha xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyee ee General Kaahiye dhigay Ubax lagu xasuusanayo shuhadadii ciidanka Booliiska ee dhiiggooda u huray qarannimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM