Khayre oo Geneva uga qeyb gelaya Madasha Qaxootiga Adduunka

Image

GENEVA, Switzerland - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo kasoo dhoofay dalka Qatar, ayaa soo gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland, oo uu uga qayb gelayo madasha qaxootiga adduunka oo maanta furantay.

Madasha Qaxootiga adduunka oo la qabanayo markii ugu horreysay ayaa ah fursad mabaadii’da mas’uuliyad wadaagga caalamiga ah ee qaxootiga loogu bedelayo ficil, laguna soo bandhigayo ballan qaadyo, tabarrucaad, sidoo kalana la isku dhaafsado khibradaha dalalku u leeyhiin arrimaha qaxootiga.

Wasiirrada qorsheynta iyo gargaarka iyo mas’uulyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya ka qayb galka madasha qaxootiga adduunka oo soconeysa mudda sedax maalin ah oo ku eg Deseembar 18, 2019.

Ka qayb galayaasha ayaa ka hadlaya xaaladda taagan iyo sida loo xoojinayo ka jawaabidda caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga iyada oo addunyada dacalladeeda ay ku suganyihiin Malaayiin qof oo ay saameeyeen dagaallo, rabshado iyo dhibaatooyin kale.

Tirada qaxootiga dunida ayaa kor u dhaaftay 25 mliyan, waxaana Soomaaliya ku nool 35,438 ruux oo isugu jirta qaxooti iyo dad kale oo megengalya doon ah.

Madasha ayaa sannadkaan diiradda lagu saarayaa isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca.

Soomaaliya ayaa madasha ka cadeyneysaa in ballan qaadkeeda diiradda lagu saarayo sedax arrimood oo kala ah, isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadda, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha iyo xaluusha.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM