Madax ka qeybgashay Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Galeyr

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd Marxuum Cali Khaliif Galeyr, oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii sidday Maydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Ehelada Marxuumka, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Marxuum Cali Khaliif Galeyr Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa lagu xusuusan doonaa dadaalladii uu ku bixiyey nabadeynta, dib u dhiska dalka, horumarinta iyo samata-bixinta shacabka Soomaaliyeed.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM