Madaxweyne Deni oo ka warbixiyey socdaalkiisa Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta ku meelgaarka ah ee Jubaland.

Wafdiga Madaxweyne Deni oo ka qeybgelaya Caleemasaarka Madaxweynaha Jubaland, ayaa ka kooban Masuuliyiin isugu jira heer Federaal iyo Heer Puntland, waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal ugaso qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Dhaqan, Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa ku wehliya.

Deni ayaa waxaa soo dhoweyn Hab-maamuuskeedu sareeyo u sameeyay dhigiisa Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, kadibna waxaa uu Madaxweynuhu u gudbay dhinaca shacabka oo boqolaal dad ah isugu soo baxeen Soodhoweyntiisa.

Axmed Madoobe ayaa kusoo dhoweeyay Kismaayo Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa, wuxuuna uga mahadceliyey imaanshaha Madaxweyne Deni iyo ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka.

Madaxweyne Deni ayaa reer Jubaland - Dowlad iyo Shacaba - wuxuu uga mahadceliyey sida weyn ee ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayo.

“Aad baan ugu faraxsanahay sida diirran oo Dowladd iyo Shacaba naloo soo dhoweeyay, waan ka mahadnaqeynaa, waa waajib na saarnaa maadaama Madaxweynuhu dhowrjeer horey noo soo booqday in aan anagana soo booqano la wadaagno Farxadaha iyo Murugadaba".

Munaasabadda caleema saarka oo horey u baaqatay 26-kii September ee sanadkan 2019-ka ayaa waxaa la filayaa in ay qabsoonto maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe.

Wuxuu ku daray: "Waxaan rajeynaynaa hadii illaahay idmo muddada aan joogno in arrimaha muddadii u danbeysay Jubaland ka jiray aan wax ka galno hadii illaahay idmo".

Puntland State House + GO

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM