Madaxweyne Farmajo muxuu ka yiri Doorashadii Waare? [AKHRI]

Image

MUQDISHO, Somalia - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu bogaadiyeya hannaankii ay u qabsoontay doorashada Hirshabelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba-galinta iyo hana-qaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

“Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka,” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM