​Maxkamada Sare ee Galmudug oo ayiday xilka qaadista Madaxda Sare

Image

CADAADO, Somaaliya - Maxkamadda Sare ee Galmudug ayaa ayiday Xil ka qaadistii Madaxweyne Xaaf, ku xigeenkii Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey iyo Afhayeenka Baarlamaanka, Cali Cali Casir.

Yaxye Sheekh Cali, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug oo maanta Cadaado kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay go’aankii Xildhibaanada ay xilka uga qaadeen Madaxweynaha 26-kii September uu yahay mid sharci ah.

War Saxaafadeed kasoo baxay Maxkamada, ayaa lagu sheegay in iyana ay sharci tahay go’aankii xildhibaanada Galmudug 30-kii September ay xilkii uga qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Warar ayaa sheegaya in gudoomiyaha Maxakmada Sare ee Galmudug ku sugnaa magalaada Dhuuso Mareeb ee gobolka Galgaduud.

Magalaada Dhuuso Mareeb ayaa waxaa waqtigaan ka arimiya ururka Ahlu Sunah halka soo markii hore gudoomiyaha ka yimid.

Talabada Maxakmada ayaa ku soo beegmeysa xilli  la filayo in kulan u dhexeeya madaxda maamulada Somaliya ka dhaco magalaada Kismayo kaasoo la filayo in Madaxweynaha Galmudug Xaaf kasoo qayb galo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hadda la tacaalaya khilaafka keeney in xildhibaano yirahadaan xilka ayaan ka qaadney halka go’aankaas Gudoomiyaha Maxakmada Sare taageerey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM