Musharax baaq kasoo saarey dhamaadka xilheynta Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad ahna Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya 2021 Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo warsaxaafadeed kasoo saaray dhammaadka muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in 8-Febraayo 2021 ay ku egtahay muddo xileedka Madaxweynaha wixii taariikhdaas ka danbeeyana uu u aqoonsanyahay Madaxweyne hore iyo Musharax.

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir ayaa ku tilmaamay nasiib darro in Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday aanu wax qorshe ah u diyaarin doorashooyinkii lagu ballansanaa sannadka 2021 balse uu waqti badan geliyey dantiisa gaarka ah isagoo middii guud ee dalka iska illaaway, wuxuuna ku baaqay in xasilloonida iyo deganaanshaha la ilaaliyo si dalka looga baajiyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Sidoo kale Dr. Abdinasir wuxuu ku baaqey wadashi qaran oo ay kasoo qeyb galaan dhammaan saamilayda siyaasadda si looga wada hadlo doorasho lagu wada qanacsanyahay lana isla oggolyahay oo muddeysan, Dowladda hada jirta ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah dhammaadayna loo aqoonsado xilgaarsiin iyadoo leh awood cayiman.

Wadatashigaas qaran ayuu ku sheegay in uu xaqiijinayo in la isku raaco ajande qaran oo la isku waafaqsanyahay si hore loogu socdo dalkana laga ilaaliyo qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah si xasiloonna looga gudbo marxaladda kala guurka ah.

 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM