Musharaxiin dalbatey in guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Puntland la dhiso [AKHRI]

Image
 
Sida la wada ogyahay waxaa Baarlamaanka (Golaha Wakiiladda) Puntland go'aamiyey 14 Agoosto, 2018, in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ay dhacdo 8 Janaayo 2019, iyadoo loo marayo qaabkii hore maadaama ay suurtogeli weydey in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah 2019ka.
 
1.  Haddaba si doorashada Puntland ee 8 Janaayo, 2019, ay ugu dhacdo jawi wanaagsan, loona helo kalsooni ku wajahan xulitaanka xildhibaanada cusub iyo nidaamka doorashada guud ahaan, waa in dhamaan qeybaha ay khuseyso arintani, sida Dawladda, Musharixiinta kale, Golaha Wakiiladda iyo kan Dhaqanku, wadatashi balaaran ka galaan magacaabista xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Xildhibaanada "Vetting Committee".
 
Sidaas darteed waxaan soo jeedineynaa:
 
A. In xubnaha Gudigu noqdaan shaqsiyaad ka madax-bannaan siyaasad iyo koox daneed gaar ah.
 
B. In Gudigu noqdo xubno bulshada dhexdeeda ku leh magac iyo sharaf, wax boog ahna aan lahayn, laguna qanci karo go'aanka ay gaaraan.
 
C. Waa inay xubnuhu ku salaysan yihiin, si cadaalad iyo sinaan ah, isla markaasna ka yimaadaan gobolada iyo qaybaha kala duwan ee dadka reer Puntland ka kooban yihiin.
 
Xubnaha Puntland Focus Group: 
 
Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire 
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne) 
Saciid Cabdullahi Deni 
Dr Maxamed Salaad Cali (Qoryooley)
 
Warar dheeraad ah la xiriir;
 
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa) 
Af-Hayeenka Puntland Focus Group,

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM