PFG oo war kasoo saartey joojinta mashruucii dhismaha wadada XARFO-JALAM

Image

GAROOWE, Puntland - Madasha Puntland Focus [PFG], oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin iyo xilal kala duwan kasoo qabtey Puntland iyo dowladihii hore ee Soomaaliya, ayaa war qoraal ah kasoo saarey maanta oo isniin ah go'aankii Jarmalka.

PFG ayaa War-saxaafadeedka uga hadashay joojinta mashruucii lagu dhisayay Wadada Jalam iyo Xarfo ee Puntland.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA:

Puntland Focus Group [PFG] waxay si dhow ula socotaa warbixintii ay soo saartay Safaaradda Jarmalka ee Nairobi, Kenya, taariikhdu markay ahayd 06-09-18.

Warbixintaas ayaa ku saabsan in ay si buuxda uga baxday heshiiskii dhismaha wadada XARFO-JALAM ee ay GIZ kula jirtay Hay'adda Wadooyinka Puntland (PHA), sababo mugdi iyo musuq shaqada la xiriira darteed. Sidaa awgeed,

1. PFG waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in mashruucii dhismaha wadada XARFO-JALAM ee halbowlaha u ahaa dhaqaalaha iyo isu socodka Puntland iyo Soomaaliba uu musuq-maasuq dartiis u joogsadey. Mashruucaas oo laga soo shaqaynayey in ka badan toban sano ayaa gacanta Madaxweyne Cabdiweli GAAS ku burburay musuq-maasuq darteed.

2. PFG waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loola xisaabtamo, sharcigana loo horkeeno ciddii ka damaysay fadeexaddan qaawan ee lagu weeraray tiirarka dhaqaalaha Puntland.

3. Waxaan Dawladda Jarmalka iyo Hay'adda GIZ ka codsanaynaa inay wixii kaharay lacagtii dhismaha wadada XARFO-JALAM hakiyaan oo aan meel kale loo duwin inta ay dhacayso doorashada Puntland ee January 8, 2019 ee loo helayo hogaan cusub oo saxa khaladka dhacay. Majiro mashruuc uga muhiimsan reer Puntland dhismaha wadada XARFO-JALAM oo lacagtani geli karto.

4. Waxaan si weyn ugu mahad-celinaynaa Dawladda Jarmalka oo taageero balaaran oo dhinacyo badan taabanaysa siisa Puntland, waxaanna rajaynaynaa inaysan dhacdadaan xumi marna saamayn ku yeelan mashaariicda kale ee socota ama qorshaysan.

5. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Cabdiweli GAAS iyo xukuumadiisa sii socota "inaysan marna dhaleecayn caalwaa ah" u soo jeedin Dawladda Jarmalka iyo GIZ si looga fogaado waxyeello u timaadda xiriirka iskaashi ee mustaqbalka.

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Qoryooley

Warar dheeraad ah la xiriir;

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)

Af-Hayeenka Puntland Focus Group,

Email: dhollowaa2013@gmail.com:
Telka Gacanta: (Australia) +61416547736

- DHAMAAD - 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM