Puntland Focus Group oo soo dhaweysay go’aannada DFS iyo Puntland

Image

GAROOWE, Puntland - Kadib markaan aragnay war-saxaafadeedkii ay sida gooni goonida ah u soo saareen Dawladda Federalka Somaliyeed iyo Dawladda Puntland, kuwaas oo ka hadlaayey xirirka Shacbaka iyo Dawladda Emirate-ka iyo Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed;

1. Puntland Focus Group waxaa ay soo dhoweyneysaa war-saxafadeedka ka soo baxay Wasaraadda Arimaha Dibadda Dawladda Federalka Somaliyeed iyo Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland, April 16, 2018.

3. Puntland Focus Group waxaa ay aaminsan tahay in labadaas war-saxafadeed ay keenayaan isu soo dhowaansho iyo in xal laga gaaro arimaha cakiran ee Dawladda Federalka Somaliyeed iyo Dawladda Emirate-ka oo haatan gaarey heer aad u xun.

4. Puntland Focus Group waxaa ay ku boorinaysaa Dawladda Federalka Somaliyeed in labadda Dawladdood ay arimohoodda ku dhamaystaan si wadda hadal, deris wanaag, iyo sinnaan ah.

5. Puntland Focus Group waxaa ay xasuusineysaa Dawladda Federalka Soomaaliyeed iyo weliba shacabka Soomaaliyeed in xaaladda Soomaaliyeed ee nugul iyo herdanka Istaraatijiyeed iyo dhaqaale ee dawladdaha shisheeye loo maro, loona maareeyo, si degan, foojigan, wadajir ah, taas oo ku salaysan talo la gorfeeyey iyo dano laysu miisaamey.

- DHAMAAD -

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)

Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janogale)

Cali Xaaji Warsame

Faarax Cali Shire

Jamiila Saciid Muuse

Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)

Khalif Ciise Mudan

Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)

Saciid Cabdullahi Deni

Warar dheeraad ah la xiriir;

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa) Af-hayeenka Puntland Focus Group,

Email: dhollowaa2013@gmail.com

Tel: (Australia) +61469728645

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM