Puntland oo taageertay shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra'iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.

Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra'iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go'aanka Ra'iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay'adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka.

Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.

DHAMMAAD 

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM