Qadar iyo Jaamacadda UN Peace oo kala saxiixdey heshiis taariikhi ah

Image
Image
Heshiiskan ayaa waxa uu ku saabsan yahay deeq waxbarasho loogu fidinayo Arday Soomaaliyadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta waxa u soo hoyotay guul ballaaran ka dib markii hay’adda Qatar Charity iyo Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midioobe ee UPEACE ay kala saxiixdeen heshiis deeq waxbarasho loogu fidinayo Arday Soomaaliyadeed.

Deeqdan waxbarasho ayaa waxa loogu tala galay ardey la doonayo in qaataan shahaadada PhD, waxayna daba socotaa ballan-qaadkii uu sanadkii hore sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud, oo sheegay in dowladdiisa ay boqol arday oo Soomaali ah u fidin doonto deeq waxbarasho oo heerka PhD.

Hay’adda Qadar Charity oo laga leeyahay dalka Qadar ayaa iyadoo ka jawaabaysa baaqa Madaxweynaha  waxay magaalada Muqdisho kula saxiixatay Jaamacadda UPEACE heshiis ay ugu deeqeyso lacagtii lagu fulin lahaa wajiga hore deeqda waxbarasho oo la siin doono 40-ka arday ee ugu horeeya.

Xafladda saxiixa waxa goobjoog ka ahaa wasiirka waxbarashada Farax Sheikh Cabdiqaadir, Safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, madaxda sare ee Jaamaca Upeace ee Qaarada Africa Prof Samuel Kale Ewusi iyo madaxa hay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya Cabdifitah Adan Macalin.

Cadifitaax oo sharaxaad ka bixiyey ujeedada laga leeyahay deeqdan waxbarasho waxa uu yiri “Waxa la doonayaa lagu xoojiyo tayeynta tacliinta sare ee Soomaaliya, maadaama Soomaaliya tahay wadan ka soo kabanaya burbur, waxbarashadana u baahantahay tayeyn xooggan”.

Waxa uu intaasi raaciyey in la rajeynayo in ardeydaan ay gacan weyn ka geysan doonaan dhinaca cilmi-baarista.

Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdiqaadir ayaa isna sheegay in loo saaray guddi maareeya qaabka loo bixinayo fursooyinka deeqdan waxbarasho.

“Guddiga waxa uu ka koobanyahay xubno matalaya wasaarada waxbarashada, madaxtooyada, hay’adda Qadar Charity iyo Jaamacadda UPEACE. Waxa la qaadi doonaa imtixaan lagu kala saari doona cidda soo dalbata fursooyinkan waxbarasho” ayuu yiri wasiirka.

Madaxa barnaamijada Upeace ee Qaaradda Afrika, Prof Samuel ayaa waxa uu sheegay in talaabadan tahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo mushkiladaha haysta Soomaaliya.

“Waxaan doonaynaa in aan xallino dhibaatada dhinaca waxbarashada oo aan kordhinno tayada aqoonyahanada Soomaaliyeed, waana sababta aan bartilmaamayka uga dhiganay heerka waxbarashada sare” ayuu yiri Prof. Samuel.

Barnaamijada PhD-ga ee la qorsheynayo in la maal-geliyo waxa ka mid noqon doona:

  1. PhD ee Nabadda, Maamulka, iyo Horumarinta
  2. PhD ee Hogaaminta iyo Horumarinta Joogtada ah
  3. PhD ee xaalufinta dhulka iyo xaalufinta
  4. Ph.D. ee dhaqaalaha buluuga ah, maamulka, iyo amniga badda.

Hindisahani waxa uu muujinayaa horumar la taaban karo oo lagu horumarinayo waxbarashada iyo cilmi baarista Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dowladnimada, horumarka, hoggaaminta waarta, xaalufka dhulka, xaalufka, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Barnaamijkan deeqda waxbarasho waxa uu shaki la’aan ka qayb qaadan doonaa garaadka iyo kobaca aqooneed ee dalka, isagoo kobcinaya jiil cusub oo aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaal ah oo u heellan horumarka Soomaaliya.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM