Ra'iisul Wasaare Khayre oo booqday xarunta gurmadka degdegga ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday xarunta gurmadka degdegga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre oo xarunta gurmadka kula kulmay guddiga gurmadka ee maanta uu magacaabay iyo dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, ayaa ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan ee loogu gurmanayo dhibanayaasha, waxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka degdegga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dadaallada gurmadka dhaawacyada, iyadoo dhaawacyada xaaladoodu ay aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel dalka dibaddiisa ah si loo badbaadiyo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM