Ra'iisul Wasaare Khayre oo sagootiyey dhaawacyo loo qaadey Qadar

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre iyo xubna ka tirsan guddiga gurmadka qaran ee dhawaan loo magacaabay isku dubba ridka howlaga gurmadka, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabulle kusoo dhaweeyay diyaarad dowladda Qatar, ay u soo dirtay qaadidda qaar kamid ah dhaawacyadii ku wax yeelloobay weerarkii argagaxiso ee Ex-Kaantarool Afgooye.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dowladaha Qatar iyo Turkiga uga mahad celiyay gurmadka walaaltinnimo ee ballaaran oo ay u fidiyeed dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo qeybta wayn ee ka qaateen dadaallada daryeelka loogu fidinayo dhibbanayaasha.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siineyso bed-qabka iyo daryeelka mawaadiniinteeda, ayna ku dadaaleyso in bukaannadu ay helaan baxnaaninta ay u baahanyihiin.

Diyaaradda Qatar ay soo dirtay maanta oo dowladda soo gaarsiiyay dawo ay qayb ka ah gurmadka, ayaa qaaday 22 mawaadin oo ku dhaawacmay weerarka argagaxiso, si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Shalay ayaa dowladda Turkigu waxa ay sidaan oo kale dalkeeda u qaaday mawaadiniin Soomaaliyeed oo qayb ka ahaa dhaawacyadii ka dhashay weerarka Argagaxiso ee Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM