Rooble oo sameeyay balanqaad ku aadan doorashooyinka 2020-21

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlayaa dardargelinta qorsheyaasha Xukuumadda hortabinta u leh, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, kordhinta dhaqaalaha, daynta cafinta, horumarinta adeegyada bulshada, Caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100ka maalmood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku shaqeyn doonto qorshaha horumarinta qaranka ee 9aad iyo natiijadii ka soo baxday shirarkii madaxda Qaranku ay ku yeesheen Samareeb iyo Muqdisho.

“Barnaamijka Xukuumadda ee aad qaybta ka tihiin wuxuu ahmiyadda koobaad siinayaa qabsoomidda doorashada dalka, maadaama waddanku uu galay xilli doorasho, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah aan u xaqiijinno qabsoomidda doorasho daah furan isla markaana aan habacsanaan ku keenin hawlaha dowladda”.

Banbaxa Golaha Wasiirrada maanta furmay ee halku dhiggiisu yahay “Daah Furnaan iyo Doorashooyin” ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in wasaaradaha oo dhan laga rabo barnaamijkooda in ay ka soo dhex saaraan qorshe howleedka 100 maalmood ee soo socda, taa soo lagula xisaabtami doono Wasaarad kasta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay ka hortagayso wax walba oo keeni kara habacsanaan ku yimaada howllaha dowladda xiliga doorashooyinka, si taas looga hortagana golaha wasiirrada laga rabo in si miisaan leh u fuliyaan howlaha kaga aaddan doorashooyinka iyo waajibaadkooda shaqo ee kale.

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo soconaya muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Golaha kula dardaarmay in ay hirgeliyaan qodobada saldhigga u ah barnaamijka Xukuumadda ee golaha shacabku ansixiyeen.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM