Mashariic muhiim u ah bulshada oo laga fuliyay Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Hay'adda Save the Children waxay sii wadaa tageeraada ay la garab taagan tahay bulshadaiyodowladda Puntland si loo kobciyo adeega waxbarashada carruurta Soomaaliyeed iyo dhisidda kaabayasha kahortaggaa afooyinka ay ka mid tahay abaaruhu, ayey sheegeen hogaamiyaasha hay’adda xilli ay dhagax dhigayeen iskuulo iyo ceelal biyoodyo lagu fulinayo deeganada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Cabdulaahi Maxamed Xasan iyo madaxa hey’adda Save the Children Mudane Maxamuud Maxamed Xasan ayaa dhagax dhigay iskuulo cusub oo laga dhisayo magaalooyin ka Dhahariyo Qardho ee Puntland kaasoo ay ku taageerayaan waxbarashada waa Iftiimin oo ay midowga Yurub maalgaliso.

Mashruucu wuxuu kor u qaadaya adeega waxbarasho ee ka jira Puntland si loo abooro waxbarashada iyo shaqo-abuur taasoo ah wadada lagu yareyn karo saboolnimada gudaha Soomaaliya, laguna gaari karo nabadda iyo xasilooni waarta.

Waxaa sidoo kale la rajeynayaa dhismaha iskuulladaan in ay xoojin doonaan oo ay  kordhin doonto helitaanka waxbarasho tayo leh iyo xirfado loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Isagoo ka hadlay xafladda dhagax-dhigga iskuulka cusub ee Dhahar, mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa uga mahadcelisay hey’adda Save the Children iyo Midowga Yurub dadaalka ay ugu jiraan sidii dowladda iyo bulshada Puntland ay uga caawin lahaayeen xoojinta waaxda waxbarashada ee Puntland.

“Fasaladan cusubi waxay gacan ka geysan doonaan in carruurta la siiyo meel ay wax ku bartaan oo ay ku kordhiyaan marin-u-helka waxbarasho ee carruurta Dhahar iyo Qardho, iyo in ay awood u siiso iskuullo dheeraad ah," ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Xasan.

Madaxa hey’adda Save The Children Maxamud Maxamed Xasan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay waxbarashadu leedahay isagoo ku tilmaamay in ay tahay xuquuq asaasi ah oo ay tahay carruurta Soomaaliya inay helaan.

"Hey’adda Save the Children waxay rumeysan tahay xuquuqda carruurtu ay u leeyihiin in ay ku noolaadaan, waxbartaan oo la daryeelo. Waxaan si joogto ah ula shaqeynaynaa deeq-bixiyeyaasha, dowladda Puntland iyo tageerayaasheena si aan uga caawino xuquuqda carruurta ee waxbarashada taasoo ka dhigaysa mid muhiim u ah ilmo kasta oo Soomaali ah,” waxaa sidaas yiri Maxamuud Maxamed Xasan, oo ah agaasima hahey'adda Save the Children ee Soomaaliya.

“Hey'ada Save the Children oo kaashaneysa taageerida midowga Yurub, waxay taageereysaa in kabadan 41 iskuul oo kuyaal Puntland, waxayna dhiseysaa sideed iskuul oo cusub oo ku kala yaalla Haylan, Sanaag, Bari, Karkaar, Mudug iyo Nugaal, si ay inkabadan 17,050 arday waxbarasho u helaan,” agaasime Maxamuud ayaa yiri.

Sidoo kale, Mudane Maxamuud Maxamed Xasan iyo Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Puntland, waxa ay booqdaan gobolka Nugaal, halkaasoo hey'adda Save the Children ku wareejisay dhismaha ceel-biyood cusub oo biyo siinaya qoysaska ay saameeyeen abaarahu.

Dhismahaceelkacusubayaaqeybka ah dadaalada ay Dawladuugujirtosi loo helobulshokakabandhibaatooyinkaafooyinkayakamidtahyaabaartu. Sidoo kale hay’addaayaawaxayadhisaysashanceeloo kale kuwaasoolagadhisayo, gobolladaMudug, Nugaaliyo Bari ee Puntland.

Dhismaha ceelashan cusub ayaa biyo siin doona in kabadan boqolal kun oo dadka kunool deeganadaas ah. Ceelashan ayaa qoysas badan u sahlaya inay guryahooda kunagadaan xilliyada abaaraha oo ay biyo yaridu jirto.

Save the Children waxa ay sidoo kale wadda dhismaayasha biyo xidheeno lagu fulinayaa deeganada Puntland.

“Waa mid ka mid ah higsi dowladda Puntland ee ah in la dhiso adkeysiga bulshada xoola-dhaqatada iyo u diyaarsanaanta xaaladaha isbedelka cimilada. Waxaan u mahadcelineynaa hay’adaha sida Save the Children oo gacan kageysaneysa horumarka bulshada Puntland, '' Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Puntland ayaa sidaas yiri.

Hey'adda Save the Children waxay ka hirgalineysaa mashaariic la xiriira Caafimaadka, Nafaqada, Waxbarashada, cunta-yarida iyo daryeelka xaquuqda carruurta Puntland.

Mashaariicdan ayaa waxaa taageeraya Sanduuqa gaarka baniadnimada ee Soomaaliya, Hay’adda gaargaarka Maraykanka, iyo midowga Yurub. 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM