Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lasoo afjaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shir Maalgashi oo heer Caalami ahaa, oo labo maalin ka socday Muqdisho, ayaa asoo gabagabeeyay Shalay, 29-ka November 2022, waxaana laga soo saarey qodobo muhiim ah.

Shirweynaha ayaa waxaa soo agaasintay Waaxda Dhiiragelinta Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee dowladda Federaalka ee Soomalaiya, iyadoo ay taabagalintiisa iska kaashadeen Shirkadaha Hormuud, Salaam Somali Bank, BECO iyo Buruuj.

Waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Wasiiro, hay'adaha ka shaqeeya mashaariicda, ganacsato, maalgashadayaal caalami ah iyo marti Sharaf kale.

Shirka dhiiragelinta maalgashiga Soomaaliya oo ah midkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu qabto dalka ayaa Shirkaddaha Hormuud, Salaam Somali Bank, BECO iyo Buruuj uga qeybgalay doodo ku saabsan maalgashiga iyo fursadaha wadanka ka jira, iyaga oo sheegay in 20-kii sano ee la soo dhaafay kaalin weyn ka qaateen dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay ku maalgeliyeen in kadaban $2.5 billion.

Agaasimaha Waaxda Xiriirka Caalamiga BECO Maxamed Sadiiq Sheekh oo ka hadlay Madasha, ayaa sheegay in Shirkadda BECO ay ku maalgelisay horumarinta Korontada dalka lacagta dhanka $170,000,000 [Boqol iyo Todobaatan Bilyan oo dollar].

Wuxuu intaasi ku daray inay dhawaan BECO gashay heshisi ku kacaya $220,000,000 oo ku umalagelinayso Tamarta Cagaraan [Green energy].
Mudane Maxamed Sadiiq ayaa xusay in qiimaha Korontada ooh adda marayo $0.46 halkii Kiilo-Waat ay sanadka 2026 marka la gaaro u qorsheysan tahay BECO inay ka dhigto $0.2 halkii Kiilo-Waat.

Ugu dambeyn, agaasimaha ayaa tilmaamay in BECO u suurta-gelisay Nus Milyan Guryo ah inay helaan Koronto jaban, oo la isku helyn karo.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM